1 min read

Caddaymo laga helay xeryo Shiinuhu Muslimiinta ku jir dilo.

Xog aad u badan oo laga jabsaday kombuyuutarada dowladda Shiinaha oo loo soo gudbiyay BBC-da ayaa daaha ka qaadday wax badan oo ku saabsan nidaamka qarsoodiga ah ee Shiinaha uu ku xirayo dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Xinjiang ee galbeedka fog ee dalkaas.

Xogtaan ayaa caddaynaysa in la toogto qofkii iskudaya in uu ka baxsado xeryaha sida khasabka ah dadka loogu hayo, iyo xukun xabsi oo dheer oo lagu xukumayo qofkii lagu arko calaamad Muslinimo.

Qaar badan oo ka mid ah faylasha ayaa loo xqiijiyey si madax bannaan.

Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday in baaritaan hufan lagu sameeyo nidaamka Shiinaha ee lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee Uyghurs-ka ee gobolka Xinjiang, ka dib markii ay soo baxeen cadeymo cusub oo ku saabsan xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.