1 min read

Maxay tahay arrinta ay milatariga Kenya sameyn rabaan oo ay shacabka ugu yeereen?

Ciidamada Difaaca Kenya oo kaashanaya Aero Club ayaa Sabtidan soo socta ee 28-ka May, 2022 ku qaban doonaan Bandhig dhoolatus ah, beerta Uhuru ee ku teedsan Waddada Lang’ata ee magaalada Nairobi.

Sida aan kasoo xiganay barta wasaaradda difaaca Kenya, bandhiggan,oo ay hoggaaminayaan Ciidanka Cirka ee Kenya, ayaa soo bandhigi doona awoodda iyo tababarradda cidamada cirka kenya ay leeyihiin.

Bandhiggan dhoollatuska ah, waxaa ka qeyb qaadan doona qaar kamid ah diyaradaha rayidka iyo kuwa milatariga, waxaana loogu talagalay madadaalinta dadweynaha.

Dhammaan shacbaka kenya ayaa loogu yeeray in ay kasoo qeyb galaan bandhiggan.