1 min read

Weeraradda Al-shabaab ee Gobolka Sh/dhexe oo kordhay.

Muqdiaho:-Waxaa aad u adag in masuuliyiinta iyo ciidamada dowladda ay maraan wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe, sababo la xiriira Weerarka Dagaalamayasha Al-Shabaab ay gobolka ka geeysanayaan oo kordhay.

Maalin ka hor ayay ahayd markii dagaalamyaasha Alshabaab ay weearreen bar koontrool oo ay ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen oo ku taala inta u dhaxeeysa Balcad iyo Jowhar waxaana weerarkaas lagu dilay 6 askari.

Sidoo kale Al-Shabaab labo maalmin ka hor waxay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen oo ku yaala deegaanka qalimow ee gobolka Shabeellaha dhexe, Inasktoo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay waeerakaas.

Sido kale Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku weeraray inta lagu gudda jiray bishan may, deegaanka Biya cadde waxaana weerarkaas madaafiicda ah ku dhintay 3 qof waxaana sidoo kale dadkii ku dhaawacmay kamid ahaa hooyo iyo wiil ay dhashay.

3 bishan may ayay sidoo kale ahayd markii weerar qaraxyo ku bilowday al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka ceelbaraf oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka Burundi ee howgalka ATMIS, Weerarkaas waxaa uu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo Alshabaab ay ka geystaan gobolka Shabeellaha dhexe.

Ma jirto ilaa iyo hadda sida muuqata qorshe masuuliyiita gobolka kaga hortagaan weerarada al-shabaab, bedelkeed Waxaa yaraaday howgalada ciidanka dowladda iyo howgalka midowga afrika ee gobolka ku sugan, iyada oo deegaano dhowr oo gobolka ku yaala ay al-shabaab gacanta ku hayaan.