1 min read

HRW oo ka digtay duqeymaha ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Muqdisho-uman Rights Watch ayaa ka digtay in duqeymaha ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya lagu beegsado dadka rayidka ah.

“Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa caro iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh,” ayuu yiri agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa ka codsatay ciidamada Mareykanka inay mudnaanta siiyaan ilaalinta rayidka Soomaaliyeed ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu saxiixay in dib loogu daabulo Somalia boqollaal ka mid ah ciidamada gaarka ah si ay u xoojiyaan Dagaalka ka dhanka ah Al shabaan,

Dhowr jeer waxaa lagu eedeeyay ciidamada Mareykanka 10kii sano ee lasoo dhaafay in howlgalo ay fuliyeen diyaaradahoodi dagaalka in lagu bartilmaamaysaday Dad rayid ah oo ay xitaa Taliska Africom ay qirteen.

Xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka John Kirby ayaa horaantii isbuucan ku dhawaaqay in ciidamo Mareykanka ee ku dhow 500 oo askari ay dib ugu laaban doonaan Soomaaliya 17 bilood ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu kala baxay ku dhawaad 750 askari oo Mareykan ah oo Somalia ku sugnaa.

“Saraakiisha Mareykanka waa inay si cad u caddeeyaan sida ciidamadoodu ay uga fogaanayaan inay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro howlgallada milateri,” Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.