1 min read

Samiira Naasir: Gabadha qabsatay baraha bulshada Soomaalida.

Baraha bulshada Soomaalida waxaa caawa si weyn u qabsaday sawirrada gabadh lagu magacaabo Samiira Naasiir oo loo magacaabay taliyaha booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Samiira Naasir oo ah gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa loo magacaabay taliyaha booliska ee degmada Shibis, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda.