1 min read

Xasan iyo Farmaajo oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah+Sawirro

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha xilka kasii degayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku kulmay madaxtooyada, waxay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha horumarka.

“Kulanka ayaa Labada Madaxweyne waxa ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.