May 17, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhoweeyey go’aanka lagu soo celinayo ciidamada Mareykanka.
MUQDISHO — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya. Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku […]
Maraykanka oo mar kale ciidamadiisa dib ugu soo diraya Soomaaliya.
Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Joe Biden uu fasaxay in ciidamo ka tirsan Mareykanka dib loogu celiyo Soomaaliya si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ururka Al-shabab, taas oo ka lid ku ah go’aanki uu madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump uu Soomaaliya uga soo saaray ciidamadan. Haddaba muhiimad intee la eg ayay […]
Xasan iyo Farmaajo oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah+Sawirro
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha xilka kasii degayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku kulmay madaxtooyada, waxay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha horumarka. “Kulanka ayaa Labada Madaxweyne waxa ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska […]
Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Makhaayad ku taal Deg. Balcad.
Warrarka laga helayo magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay makhaayad ku taala ka soo horjeedka xarunta degmada. Qof kamid ah dadka degan Balcad ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhaawacmay uu ku jiro gudoomiyaha maxkamadda degmada Balcad iyo […]