1 min read

Maraykanka oo mar kale ciidamadiisa dib ugu soo diraya Soomaaliya.

Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Joe Biden uu fasaxay in ciidamo ka tirsan Mareykanka dib loogu celiyo Soomaaliya si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ururka Al-shabab, taas oo ka lid ku ah go’aanki uu madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump uu Soomaaliya uga soo saaray ciidamadan.

Haddaba muhiimad intee la eg ayay ciidamada Soomaaliya iyo la dagaallanka argagixisadaba u leedahay tallaabada ay dowladda Mareykanka dib ugu soo celineyso ciidankeeda.