1 min read

Daahir Maxamuud Geelle oo isaga baxay musharraxnimada Tartanka madaxweynaha.

Daahir Maxamuud Geele oo ka mid ahaa musharrixiinta u tartameysay kursiga Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu tartanka ka haray.

Wuxuuna sheegay inuu si rasmi ah uu u shaaciyey inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, isaga oo sheegay inuu sii wadi doono dadaallada uu ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya, waa sida uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

Ugu dambeyntina qoraalkiisa uu ku shaaciyey inuu tartanka uu ka haray wuxuu ku sheegay iney baarlamaanka 11-aad ay dalka u doortaan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.