1 min read

Beesha Caalamka oo warsaxaafadeed ka soo saartay Doorashada Madaxweynaha.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Madaxweynaha ee maalinta berri ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

“Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.

Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Xubnaha Beesha Caalamka.

WarSaxaafadeedka waxaa si wadajir ah u soo wada saaray:-

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.