May 8, 2022
Arsenal Oo Guul ka gaartay Leeds United Kuna soo dhawatay Chelsea.
Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates saddexda dhibcood kaga qaadatay Leeds United, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League. Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal. Daqiiqadii 5-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Eddie […]
Guddoonka Baarlamaanka oo go’aan ka gaaray xildhibaanadii Gedo.
MUQDISHO- Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan laga qaatay murankii ka taagnaa xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo, waxaa guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ay shaaciyeen in 16-kii xildhibaan ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq inay yihiin xildhibaanada saxda ah ee meteli doona gobolka Gedo. Guddoonka golaha shacabka […]
Sheekh Shariif oo noqday murashaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha.
Guddiga isku dhafka ah ee golaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta bilaabay diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Musharrax Madaxwayne ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa noqday murashaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Diiwaan gelinta musharixiinta ayaa socon doonta ilaa 10-ka bishan […]
Boqorka Sucuudiga oo isbitaal loola cararay.
Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Jeddah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay boqortooyada oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Boqorka oo 86 jir ah la dhigay Isbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal. Boqortooyada Sacuudiga ayaan illaa iyo hadda wax fafaahin ah ka soo […]
Sagaaal carruur ah iyo hooyadood oo ku dhintay daadad ka dhacay Koofur Afrika.
Dhacdo naxdin leh ayaa ku dhacday qoys reer Koofur Afrika ah iyadoo qoyska oo lagu magacaabo qoyska Mdlalose ay hooyada oo 43 jir aheyd iyo sagaal carruur ah o da’doodu u dhaxeyso labo jir ilaa 10 jir ay ku dhinteen daadad ka dhacay gobolka KwaZulu-Natal waxayna daadkaasi ahaayeen masiibadii dabiiciga aheyd ee gu dhimashada Badenydee […]
Ciidamada Xoogga dalka oo furay wadooyin ay xireen Al-Shabaab.
Muqdisho:-Ciidanka Xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay isku furaan wadooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan. Ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan xubno katirsan Al-Shabaab oo muddo toban sana ah wadooyinkaasi go’doomiyay, sida ay shegeen. Howlgalka lagu furayay […]
Muqdisho oo maanta ka blilaamaysa Diiwaangelinta Murashaxiinta xilka Madaxaynaha Soomaaliya.
Muqdisho:-Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka ay ka bilaamato Diwaan gelinta Musharixiinta Madaxweynaha 10-Aad ee Soomaaliya, sidda ay kolhore sheegeen Guddiga isku dhafka ah ee Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya. Guddiga Doorashada Madaxwaynaha ayaa sidoo kale diyaariyay Goobta Diiwaangelinta Murashaxiinta xilka Madaxaynaha JFS u tartamaysa taas oo la filayo in ay maanta bilaamato. […]
HRW oo ku baaqday in la sii daayo macallimiin lagu xirxiray Iran.
Dawladda Iran ayaa xirtay ku dhawaad 40 macallin oo dalka oo dhan laga so0 qabqabtay ilaa 1dii bisha May, sida laga soo xigtay Hay’adda xuquuqda aadamaha ee Human Rigths Watch (HRW). Ha’yadda ayaa ku baaqday in macallimiinta la sii daayo. Hay’adda HRW oo soo xiganaysa website lagu magacaabo Emtedad ayaa sheegtay in ilaa 1dii bisha May ay […]