1 min read

Sheekh Shariif oo noqday murashaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha.

Guddiga isku dhafka ah ee golaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta bilaabay diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharrax Madaxwayne ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa noqday murashaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Diiwaan gelinta musharixiinta ayaa socon doonta ilaa 10-ka bishan oo ku beegan maalinimada Talaadada ah.