1 min read

Sagaaal carruur ah iyo hooyadood oo ku dhintay daadad ka dhacay Koofur Afrika.

Dhacdo naxdin leh ayaa ku dhacday qoys reer Koofur Afrika ah iyadoo qoyska oo lagu magacaabo qoyska Mdlalose ay hooyada oo 43 jir aheyd iyo sagaal carruur ah o da’doodu u dhaxeyso labo jir ilaa 10 jir ay ku dhinteen daadad ka dhacay gobolka KwaZulu-Natal waxayna daadkaasi ahaayeen masiibadii dabiiciga aheyd ee gu dhimashada Badenydee dalkaa soo marta.

Way hurdayeen markii daadad xoog leh ay qaaden gurigoodii , arrintan waxaa laga joogaa marka ay dhacday saddex toddobaad welina qaar ka mid ah meydadka lama helin.

‘’ marka aan kuu sheego runta waan waalan nahay ..wax ma maqalno .. maskaxdeena ma joogto .. wax laga sheekeyn karo maaha ‘’ ayuu carrurta adeerkood Thokozani Mdlalose u sheegay BBCda.

Aas wardareed loo sameyey hooyadaa iyo shan ka mid carruurteed iyadoo afarta kalena la waayey ayaa dhacay subax aad u qabow iyadoo marka laga tago carruurteeda lala aasayey iyo kuweeda la waayeyba ay u dheer tahay in ay eeddo u tahay afar carruur ah oo kale oo Iyana la waayey.

Iayaga oo keliya ma aha dadka murugoonaya ee daadadku waxay dileen 435 qof welina tobaneeyo qof ayaa la weysan yahay kuwaaas oo qoysaskoodu xaalad murugo ay la soo deristay .

Ilaa haatan in ka yar 200 qof ayaa la aasay iyadoo 59 qof oo kale meydadkaooda lagaran la’ yahay oo ay ku jiraan qolalka meydka ee isbitaalada .