1 min read

Arsenal Oo Guul ka gaartay Leeds United Kuna soo dhawatay Chelsea.

Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates saddexda dhibcood kaga qaadatay Leeds United, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 5-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Eddie Nketiah.

10 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Gunners ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Eddie Nketiah oo caawin ka helay saaxiibkiis Martinelli

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda Leeds United ayaa dhalisay gool kaddib markii 2-1 ka dhigay ciyaarta Diego Llorente, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Junior Firpo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Arsenal kooxda Leeds United oo marti ugu ahayd garoonka Emirates. Gunners ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay ku jirtaa booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 66 dhibcood.