1 min read

Sidee loo bixiyaa Darajada Ciidan?

Waxaa jiro hal ku dhag ciidan oo leh, ( Sarkaalku marka uu Kuleetiga ka guduudan yahay waa in uu dhafoorkana ka Cad yahay)

Waxaa looga dan leeyahay Da’da. Waa dhacdaa dad aan Cirraba u soo bixin iyo kuwo yaraantooda ey u soo baxdo.

Somaliya Sharci ayaa qeexayay inta sano oo u dhexeeyso Labo darajo ciidan, 3, 4, 5,6 sano .

Inta badan, Waxaa darajo Ciidan lagu bixiyaa 3 arrimood.

  1. Aqoon iyo tababaro ciidan oo uu shahaadooyin Cadeeyn ah u heeysto.
  2. Howl gaar ah oo uu qabtay oo muujinee in uu Ciidanka kale wax dheeryahay si loo dhiiri galiyo.
  3. Waaya arragnumo ka dhalatay muddo dheer oo uu ciidamada ku jiray iyo khibradiisa Ciidan. Waxaana la yiraa waa tan ugu muhimsan ee loo gudbi karo Jiilka Ciidamada dambe. ( F.S: 1-7aad)

Haddaba Somaliya sidee lagu bixiyaa darajada Ciidan? Meeqa Sarkaal oo kuleeti guduudan ayaa dhafoor Cad ?.

FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir