1 min read

DF Soomaaliya oo sheegtay in berri ay tahay Soon.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS waxay shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in maalinta berri ay soon tahay, isla markaasna 30-ka Bisha barakeysan ee Ramadaan la dhammeystiri doono.

Wasaaradda ayaa sheegtay in baadigoob kala duwan ay ku samaysay Bisha, iyada oo xiriiro la sameysay dad ku sugan Gobolada dalka, kuwaasi oo sheegin in bil la arkay.

Inta badan wadamada Muslimiinta ayaa maalinta berro dhammeystiraya 30- bisha Ramadaan.

Maalinta Isniinta ayaana noqoneysa 1 bisha Shawaal bulshada ay ciidi doonto.