1 min read

Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha Lubnaan.

Dowladda Libnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 6 qof oo tahriibayaal ah ay badda ku dhinteen, kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay meel u dhow magaalada dekedda ah ee Tripoli.

48 qof oo kale ayaa laga soo badbaadiyay doonta tahriibayaaasha sidday ee degtay.

Dadka doontaasi degtay saarnaa ayaa ahaa muwaaddiniin u dhashay Lubnaan iyo Suuriya, kuwaas oo ay maamulku sheegeen in ay si sharci darro ah uga tageen Lubnaan.

Dhibaatada dhaqaale ee ka jirta Lubnaan ayaa keentay iney sii korodho muwaadiniinta ay ku biiraan qaxootiga Suuriya iyo Falastiiniyiinta ee isku dayaya inay badda isku biimeeyaan si ay Yurub u galaan. Nin (magaciisa qariyey) oo wiil uu adeer u yahay uu doonta degtay saarnaa ayaa siyaasiyiinta Lubnaan ku eedeeyay inay sabab u yihiin xaaladda dhaqaale xumo ee dalka Lubnaan ka jirta oo sababtay iney muwaaddiniintu dalkooda hooyo ka tahriibaan: