1 min read

Jordan oo dalbatay in dadka aan muslimka ahayn laga mamnuuco masaajidka Al-Aqsa.

Gudiga heer gole wasiir ee carabta u xilsaaran hawlaha caalamiga ah si ay uga hortagaan siyaasadaha Israa’iil ee magalada Qudus ayaa cambaareeyay wax ay ugu yeereen xasarada Israa’iil ee ka dhanka ah masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa, taas oo kor u kacday maalmihii la soo dhaafay ayna ku dhaawacmeen boqolaal qof.

War murtiyeed ay soo saareen gudigu ayay ku sheegeen in xasaradahaan yihiin kuwa kicinaya dareenka dadka muslinka ah ee ku nool dunida oo dhan.

Wasiirka arimaha dibada ee Jordan ayaa ka dalbaday israa’iil in ay xiraan albaabka Mughrabi ee masjidka Al-Aqsa iyo in laga hortago dadka aan muslinka ahayn in ay soo galan masjidka inta lagu guda jiro tobanka dambe ee bisha Ramadaan. Al-Safadi ayaa ku nuuxnuuxsaday arin lagu sheegay war-murtiyeedka oo ahayd in Israa’iil ay xushmeyso taalada taarikhiga ah ee sharciga ah ee masaajidka Al-Aqsa ayna ku soo celiyan sidii ay ahayd wixii ka horeeyay sanadkii 2000 si ay u hubiyaan xushmada ay u hayaan masaajidka.