2 mins read

Arrin baaqi ku sii ahaaneysa in Soomaaliya yeelato dowlad awood leh!!

Tobankii sano ee ugu dambeysa Soomaaliya waxaa soo laba xukuumadood oo iyagu howl gelayay amaba dalka ku maamulayay nidaamka Federaalka, kaasi oo jilbaha dhulka u dhigay in dalku yeesho dowlad dhexe oo awood leh kaddib markii uu xafiltan ka dhex oogmay dowladda dhexe iyo laba ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira waa Puntlan iyo Jubaland, iyadoo saddexda maamul goboleed kale dwladda dhexe la lahaayeen xiriir wada shaqeyn.

Khilaafkan oo soo bilowday xilligii dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana lagu guul darreystay dadaallo la isugu soo dhoweynayo dowladda dhexe iyo madaxda guud ahaan shanta maamul goboleed, ayuu madaxweyne Xasan muujiyay dulqaad iyo inuu fuliyo rabitaanka labada maamul bacdamaa uu wakhtiga ka dhacay dalkana ay ka dhaceyso doorasho.

Sanadkii 2017da ayaa la doortay xukuumad uu madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo iyada muddo 5sano ah dalka maamuleysay, waxaana marqaati ka nahay in dadaallo kala duwan oo meesha looga saarayo khilaafka dowladda dhexe iyo madaxda maamullada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo waliba maamulka Jubaland waxba ka soo naasa cadaan waayeen ilaa uu ka dhamaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Khilaafkan oo la aaminsan yahay inuu ragaadiyay horumar ay sameyso dowladda dhexe waxaa kale oo saameyn xoogan uu ku yeeshay arrimaha doorashooyinka dalka ka socda, ilaa markii dambe dalalka caalamka ee Soomaaliya taageera culeys ku saareen fulinta heshiiska doorashooyinka ay saxiixeen hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Arrintu si kastaba ha ahaate waxaa haatan gabagabo maraya dhismaha Baarlamaanka 11aad oo qaatay muddo ku dhow laba sano, kaasi oo la filayo in bartamaha bishan la dhaariyo xildhibaanada labada aqal kaddibna uu dooranayo cusub iyadoo dabayaaqada sanadkan 2022-ka la dooranayo madaxweyne cusub.

Dowladda cusub ayaa la saadaalinayaa inay ku adkaan doonto sidii ay u dhayi laheen nabaradii gaaray siyaasadda dalka lagu hagayo, waxaana marag ma doonto ah inuu dib u soo laba kacleeyo khilaafkii aan horay u soo sheegnay, iyadoo madaxda xukuumadda cusub looga baahan yahay la yimaadaan farsamooyin labada maamul ee fallaagoobay ula jaan qaadi lahaayeen nidaamka cusub

Waxaa qoray: Jabriil Maxamud Nuur (Jabra)
Email: [email protected]