1 min read

Howlgal Ciidamada Booliska & NISA oo Muqdisho laga sameeyay.

Qaar kamid ah Isgoysyada iyo waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay Ciidamada Booliska Soomaaliya gaar ahaan qeybta Waliyow-cadde iyo Ciidamo katirsan Kuwa Nabadsugida Soomaaliya.

Howlgalka ayaa sigaar ah looga fuliyay Waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Guud ahaan Suuqa Bakaaraha & meelo kamid ah degmada Hodan, sida Isgoysyada, Shaqaalaha, Howlwadaag, Jid Mareexaan, Carwo Idko, Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha.

Howlgalka ayaa Ciidamadu ku baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalayay & Guryaha qaar ooo ay degan yihiin dadka Shacabka ah, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay Amni xaqiijin maadaama la guda geli rabo Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Taliyaha Saldhiga Booliska Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib oo howlgalka faah faahinayay ayaa sheegay in howlgalka ay uga hoortagayaan Burcadda hubeysan ee dadka dhaca u geeysanaya & xaqiijinta Amniga Caasimadda, isla markaana habeen iyo Maalin ay howlgalka sii wadi doonaan.

Taliye kuxigeenka Qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in howlgallada ay sii laba jibaarayaan, isaga oo Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Howlgalkan Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ay ka sameeyeen Muqdisho ayaa daba socda kadib cabasho bilihii la soo dhaafay kasoo yeereysay Shacabka taas oo la xiriirta Kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya mararka qaarna dilaya.