1 min read

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Afrika ee saamaynta dhaqaale uu ku yeeshay dagaalka Ukraine!!!.

Qiimayn ay Qaramada Midoobay ku samaysay waxyeellada uu dagaalka Ukraine ku reebay ganacsiga iyo dhinacyada maaliyadda, tiknolojiyadda, iyo maalgashiga ayaa la lagu ogaaay in meelaha saamaynta xooggan dhaqaale ahaan uu dagaalkani ku yeeshay ay ka mid tahay qaaradda Afrika.

Natiijada ayaa lagu ogaaday in colaaddani ay sii xumaysay dhaqaalaha caalamka iyadoo uu sare u kacay qiimaha cuntada, shidaalka iyo daawooyinka bacriminta ee beeraha loo isticmaalo.

Xaaladdan sida xawliga ah isu beddeshay ayaa waxaa warbixinta lagu sheegay in ay qaylo dhaan ka abuurtay dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah iyo dalalka kale ee dhaqaalahoodu uu hooseeyo.

Saamaynta dhaqaale ee dagaalkan ka dhalatay ayaa la sheegay in si gaar ah ay u taabatay ganacsiga, qiimaha badeecadaha iyo suuqyada maaliyadda.

Khatarta kacdoonka shacabka, cunto yarida iyo hoos u dhaca sicir bararka ayaan la dhimi karin, gaar ahaan marka la eego xaalada jilicsan ee dhaqaalaha adduunka iyo adduunka soo koraya ee ka dhashay cudurka faafa ee COVID-19.

Dalalka Afrika ee sida weyn ugu tiirsan qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine ee colaaddan ay saamaysay ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ka mid yihiin, Somalia, Benin, Masar iyo Sudan.

,

Warbixinta ayaa lagu xusay in Somalia iyo Benin ay ka mid yihiin dalalka 100% ku tiirsan qamadiga dalalkaas ka yimaaada.