March 18, 2022
Howlgal lagu dilay Saraakiil Al-Shabaab ah oo Soomaaliya ka dhacay.
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa si wadajir ah howlgallo qorsheysan uga fuliyey degaajo katirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab. Degaanada ay Ciidamada howlgalka ka fuliyeen ayaa kala ah, Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer […]
Khilaaf soo kala dhex galay dowladda Britain iyo shirkadda DP World.
Shirkadda maraakiibta iyo doonyaha ee P&O oo ay leedahay shirkada DP World ee Dubai kana shaqaysa biyo mareenno ku yaalla dalalka Britian, Holland, Faransiiska iyo Jamhuuriyadda Ireland, ayaa shaqada ka fariisisay illaa iyo 800 oo qof oo u shaqaalahooda ka tirsanaa. Arrintan oo dowlada Britain ay aad uga careysiisay, waxaana Madaxda Shirkadda ay sheegeen inay […]
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo doorashadoodu ka socota Garoowe.
Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka socota doorashada lixdii kursi ee igu dambeeysay kuraasta taalla degaannada Maamulka Puntland. Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa degaan doorashadoodu tahay Puntland. Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, ayaa ku guulaystay Kursiga HOP073 ka dib markii Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi […]
Ku dhawaad 70 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay xeebaha Liibiya.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 muhaajiriin ah lagu la’yahay xeebaha dalka Liibiya, kuwaas oo loo maleynayo inay dhinteen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay. IOM ayaa sheegtay in 12-kii Maarso lasoo sheegay in doon ay saarnaayeen 25 muhaajiriin ah ay ku dagtay meel u dhow xeebaha Liibiya […]
Hadda Somaliya yaa ah Tuugada Aabahood, ama Aabe Tuug ?=Nasashada Jimcaha.Q- 2961=.
Haweeneey Xanuunsan oo aad u calyilan ayaa Dhakhtar u tagtay. waxa uu ku yiri: “Colesterol” ayaa ku hayo aadna waad u cayishay ee Cashada iska jooji. Haweeneydii markii Quraacdii iyo Qadaba ey cuntay ayeey Habeenkii Gabadheeda ku tiri: Gabadheey, Cashada Dhakhtarkiibaa iga joojiyay ee Qadadii Maanta wixii ka haray ii soo kuleeyli. ( F.S: 1aad) […]
Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Afrika ee saamaynta dhaqaale uu ku yeeshay dagaalka Ukraine!!!.
Qiimayn ay Qaramada Midoobay ku samaysay waxyeellada uu dagaalka Ukraine ku reebay ganacsiga iyo dhinacyada maaliyadda, tiknolojiyadda, iyo maalgashiga ayaa la lagu ogaaay in meelaha saamaynta xooggan dhaqaale ahaan uu dagaalkani ku yeeshay ay ka mid tahay qaaradda Afrika. Natiijada ayaa lagu ogaaday in colaaddani ay sii xumaysay dhaqaalaha caalamka iyadoo uu sare u kacay […]