|

Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidan oo Xudur ah.

Wararka ka imanaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerar xalay uga yimid maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay Saxaafadda in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo weerareen saldhig ay ciidmaada dalwaddu ku leeyihiin dhinaca galbeed ee magaalada Xudur wax yar ka dib saqdii dhexe.

Saddex ka tirsna maydka maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu arkay goobta dagaalku ka dhacay, hase yeeshee mas’uulyiinta amniga ee dalwdada waxay dhimashada maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarkaas gaarsiinayaan ilaa toddoba.

Posted by on Mar 1 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]