1 min read

Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Saraakiisha DANAB sheegeen in laga sameeyay degaannada kala ah, Muduloow Qutuuto, waareey Buulo-hareeri Iyo Dhanlojo, isla markaana lagu dilay Sarkaal katirsan Ururka Al-Shabaab iyo Saddex Xubnood oo la socday 7 kalena lagu dhaawacay.