1 min read

Soomaaliya iyo WFP oo ka wada hadlay Abaaraha ka jira Dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa WFP Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha abaarraha dalka ka jira iyo sidii loo fududayn lahaa duulimaadyadda Gargaarka sidii ay deg deg ugu gaari lahaayeen goobaha loo qorsheeyay.

El-Khidir Daloum Ayaa Wasiir Duran Farah uga mahad celiyay sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududaynayso hawllaha gurmadka abaaraha, waxaana uu sheegay in dhankooda ay ku dadaalayaan in dadka cunada u baahan gargaarku si dhaqse ah u gaaro.

Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidka ayaa boggaadiyay dadaalka WFP waxaana uu dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan iskuma gargaaraan.