3 mins read

Soomaaliya Gabdhuhuna Ragga isuma ogolo, Ragguna Xilka iskuma ogolo..Somaliya ha midoowdo. =Nasashada Jimcaha. Q-291

  1. Nin aad u gaaban ayaa yimid Meel Shil ka dhacay oo la isku Buuqsan yahay. Gaaboow waxaa uu u jeedi waayay waxa lagu Buuqsan yahay, waxa uu maqlayay, Miskiin ma istaagi karyo, Gaariyaa Lug ka jiiray. Gaaboow si loogu baneeyo meel uu ka arko ayuu is Ooyinsiiyay isaga oo ku qeylinayo, ii baneeya, waxaan nahay qaraabo. waa loo baneeyay, waxa uu arkay Eey dhaawac ah. waxaa lagu yiri: Kana ma qaraabaa tihiin: inta is xanaajiyay ayuu yiri, Soow nafleey ma ahan. ( F.S: 1aad).
    ( Isbaheeysiyada Siyaasadeed ee Somaliya, ameey gaareen, Walaalaan nahay Brother-keyga, Laakin kala Diin ayaan nahay).
  2. Nin Asgari ahaa oo Guri ku deganaa 100 Doolar oo kiro ah, ayaa kiradii iska bixi waayay. Duqdii Guriga leheed ayaa Grigii ka xiratay kadibna Dacweeysay. Qaaligii ayaa Asgarigii ku yiri: Mushaarkaagu waa meeqo. Asgarigii ayaa yiri: 100 Doolar. Qaaligii ayaa yiri: Kirada Guriguna waa meeqo: Asgarigii ayaa yiri: waa 100 Doolar. Qaalihii ayaa yiri: oo maxaad Cuntaa?. Asgrigii ayaa yiri: Lacagta Kirada ayaan Cunaa. ( F.S: 2aad)
    ( War Ciidamada Mushaarkooda ha lala ekeeysiiyo Baahidooda Asaasiga ah)
  3. Saxiibkeey “Cantar Jeenyo” oo ahaa Ciyaartooy hore ayaa Degmada Boondheere ku guursaday Gabar yar.
    waxa uu Habeenkii ku yiri: Masaajo ii mari kadibna Murqaha ii Riix riix, waxa ey ku tiri: Mahaan Murqo ma yaaliin ee Xididada iyo Seedaha i dheh. Kor ayuu u bood booday, waxa ey ku tiri: Oday ha isku jabin Hadda waxaa socdo 2022 Model, Adigu waxaad tahay “Old model”, Haddii aad Jabto, Dayac tirkaaga “spare part” lagama helayo Bakhaarada. ( F.S: 3aad)
    ( Beryahaan ma arag, isaga oo aanan is macalaameeyn ayuu Qurbihii u noqday ayaan u maleeynaa, ee Tabar uu ku guursado malaheeyn ee yaan laga Maseeyrin)
  4. Nin Darawal Bus ahaa, oo Sugi jiray inta uu Basku ka buuxsamayo, ayaa noqday Darawal “Ambulance”, isgooyska Baar Sanco ee Degmada Kaaraan ayaa Qarax ka dhacay, Laba Qof ayaa ku dhaawacantay “Ambulance-kii” ayaa la saaray si uu u geeyo Isbitaal Keysaneey. Laakin Darwalkii waxa uu yiri: Laba Qof oo kaliya ma qaadi karo, Shidaalna ku khasaari maayo, waxaan sugayaa Qarax kale.
    Galabtii halkiisii ayuu taagna, iyada oo ey Ambulance-ga u saaranyihiin Laba Meyd ah. ( F.S:4aad)
    ( Somaliya oo dhaawac ah amaa loo dhiibay,Nin Bus-as ka shqeey jiray)
    5.Koo muqayil ah ayaa Subixii waxa uu bilaabay in uu raadsado Lacag uu Qaad ku gato. Galabtii ayuu isaga oo Daalan oo aan Lacag soo helin ayuu Darbi iska fadhiistay.
    waxaa u yimid Saaxiibkii, Lacag ayuuna siiyay waxa uuna yiri: Qaad ku soo iibso.
    Markii Lacagtii la siiyay ayuu Saaxiibkii Dharbaaxo ku dhuftay, kuna yiri: Irsaaqadii Alla noogu kaa dhiibay miyaad Saacadaan noo wadaa, maxaadan Subixii hore noogu keenin intii aanan daalin. ( F.S: 5aad)
    (Somalidu Ninkii Nabadda u keeno armey dharbaaxaan).
  5. Koox burcad ah oo ka kooban 30 Rag ah ayaa Gabar soo Afduubatay. Gabadhii ayeey Subaxdii Qol ku xirteen, dhammaana waa wada fara xumeeyeen, iyada oo tacbaan ah ayeey Qolkii ku qafileen.

Galabtii ayeey yimaadeen iyaga oo Gabar kale wado, Tii hore rafaadka ka muuqdo ayeey ka nexeen, Tii Cusbeed ayeey 30 koodii faraxumeeyeen. Habeenkii labadoodii ayey Qolkii ku xireen. Subixii ayaa loo yimid tii dambe oo Meyd ah. waxaa lagu yiri: Gabadhaan Maxaad u dishay?. waxa ey tiri: Ma Rag beey Aduunka ka weeysay, Markeey kuweeyga u soo raadsanee.( F.S:6aad)
(Somaliya Gabdhuhuna Ragga isuma ogolo,Ragguna Xilka iskuma ogolo.. Somaliya ha midoowdo)
Qore: Yahya Amir.