1 min read

Gudiga Doorashoyinka Somaliland oo qabanaya Doorashada HOP#240,HOP#241,HOP#263, HOP#271& HOP#205.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi-Somaliland ayaa soo gudbiyay habraaca Doorashada shan kursi oo Golaha Shacabka ah kuwaas oo tirsigoodu yahay HOP#240, HOP#241, HOP#263, HOP#271 & HOP#205.

Kuraasta qaar waxa ay wadaagaan Ergada Dooraneysa, waxaana maanta oo ah 7da Febaraayo 2022 la diiwaangelinayaa Ergada oo loo xareynayo tababar lagu tusayo sida Ergayga uu u dooran karo Xildhibaannada uu u codeynayo.

Doorashada Shantaan kursi waxa ay dhaceysaa 10ka Febaraayo 2022 oo ku beegan Khamiista dhammaadka Todobaadkaan sida uu sheegay SEIT Somaliland.

Yaa ku fadhiya kuraastaan?

HOP#240: Suri Diiriye Carab.

HOP#241: Cabdirisaaq Daahir Maxamuud.

HOP#263: Muuse Saciid Jaamac.

HOP#271: Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye.

HOP#205: Sahra Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi Khadar Khadar Xariir Xuseen ayaa sheegay in SEIT Somaliland ay ka go’an tahay dadejinta Doorashada kuraasta ku harsan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.