3 mins read

Nolosha Maalinlaha ah, Ergo Kiro ah iyo Xildhibaan Geeloos.

Subaxaan 2/2/2022. waa Taariikh u badan 2, 2, 2,2,2 waa mid aan dib loo arkeyn dhawaanahaan. jawigu waa iska deganaa in kasta oo hal Qof inta aan maqlay oo Shaqaalaha Dowladda hoose ahaa lagu dilay Magaalada subaxii hore, kuwa aanan maqalna waa dhici kartaa. waxa ey u muuqataa Magaalo kaligeed is wado oo Cid gaar ahi eyna masuuliyadeeda qaadeyn.

Dhaqaale Xumo baahsan ayaa Magaalada ka jirto, dabaqadii dhexe waxa ey noqotay Dabaqad hoose. Dawarsiga ayaa batay, Dadka jirkooda waxaa ka muuqdo in culeeykoodu hoos u dhacay celcelis ahaan.
waxaan ka soo sama toosay Gurigeeyga Alla mahadii. Bajaajkii aan saarnaa dhowr “Check point” ayuu soo maray, kadibna waxaa soo gaaray ilinka xerada Afisyooni, waxaa nalagu yiri: Dib u noqda Wadadu waa xiran tahay, waan soo lugeeyay.

waxaan ku soo lugeeyay waaberi iyo Xamar jab jab ilaa aan soo gaaray Xamar weyne oo aheed halkii aan u socday, dhinaca kale waxaan maqlay in wadadu ka xiran tahay dhinaca manabolyo sababata xirnaashuhuna ey tahay Doorashada Reer waqooyiga oo ka dheceeysay Dugsiga Sare ee Boliska oo halkaa aad uga fog.

Markii aan marayay wadada isku xirto Isbitaal Martiini iyo Ex- Shaleemo Africa, waxaan arkay “Check point” kale oo wadadu ka xiran tahay. waxaa ii muuqday Bajaajyo, Basas iyo Geel wadada laga xiray. Geelaa oo aan u qaatay Musharixiin iyo Malxiisyo u socday Dugsiga Booliska ( F.S: 1-4aad).

Doorasahda:-

Doorashadu si Xowli iyo Xaaran ah ayeey Dalka uga socotaa, taasi ma ahan wax Cidna ka qarsan, waa laga leexday Dhamaan wixii ey ku heshiiyeen Golihii wada tashiga Qaran.
waxaa la geeyaa Xarumaha Xulidda Xildhibaanada, Liis magacyada Xubnaha loo soo xulayo si ka Madax banaan rabitaanka Beelaha.

Ergada oo Doorashadii hore ka koobneed isla beesha Xildhibaanka ayaa hadda u badan Xubno aan Beesha aheeyn oo la soo xulay. dhinaca kale qiimaha Ergada lagu kala iibsado, ayaa hadda hoos u dhacay, hore waxa uu u ahaa dhowr kun oo Dollar, hadda waa $ 100- $ 400., waxaa jiro Musharax maqan oo loo codeeynayo.

Mustaqbalka waxaa in la arki doonaa Xildhibaan maqan oo Qof kale u ey dhaaraneyso xildhibaanimadiisa marka uu soo galo Baarlamaanka, halkii isagu uu dhaaran lahaa, Dhacdooyin la yaab leh oo ka hor imaanayo, Cadaaladda, Anshaxa iyo Dhaqanka ayaa ku soo batay Doorshada.

Hore waxaa la rabay 51 Ergo oo Beesha ah, Hadda Goobaha qaar bacdamaa uuna musharuxu goobta codbixinta geey karin 101 ergo oo Dayaarad lagu qaaday.

Musharaxa uu wato Madaxweynaha Maamul gobaleedku, waxaa looga baahan yahay ugu badnaan 30 ergo oo uu isagu soo xushay halkii Beeshu ka soo xuli laheeyd.

71da ergo oo dhiman waxaa u diyaarinayo Maamulka Gobalka kuwaa oo ka kooban Ciidan iyo kuwa laga soo ururinayo magaalada, kuwa oo ah ergo malxiis ah.

Waxaa hore Caadi u ahaa Ergo Madaxu u doonaan yahay iyo musharax u codeynayo kii la tartamayay, waxaan soo aragnay Musharax iyo Ergo kursi loo xiray, waxaan sugeeynaa Madaxweyne Qaran iyo mid Maamul Gobaleed oo kursi loo diray.

Galabtii markii aan ka soo noqonaya Magaalada waxaan soo maray wadada dhinaca xamar weyne ee u dhaw Kawaanka Mallaayga, waxaan ku arkay “Check point” dhagxa cusub ayaa la dhigay oo wadada lagu xiray ma ogi Nabadgalyo iyo qandraas Qof la siiyay midda ey tahay.

Qore: Yahya Amir