2 mins read

Cabsi dagaal oo xalay laga dareemay Beledweyne.

Magaalada Bedweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay dad careysan dhagxaan ku jareen qaar ka mid ah waddooyinka Beledweyne, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ku wajahan yahay Magaaladaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo Haramcad ayaa kusoo baxay dadkaas, iyaga oo furay waddooyinkii la xiray, waxaana sidoo kale jiray Ciidamo hubeysan oo la Magac baxay Kacdoonka Gobolka Hiiraan oo dhankooda dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyay Beledweyne.

Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere, isla markaana hoggaaminaya Ciidamada Kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in weli ay kasoo horjeedaan in Cali Guudlaawe yimaado Magaalada Beledweyne ayna jirin heshiis laga gaaray.

Wuxuu sheegay in marmaba Beledweyne imaan karin mas’uuliyiin ka socda Maamulka Hir-Shabeelle balse ay soo dhaweeynayaan mas’uul kasta oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray Nuur Dheere in Cali Guudlaawe ay jiraan dad siraya oo u sheegaya in heshiis laga gaaray in uu yimaado Beledweyne taasina aysan waxba kajirin ayna diyaar u yihiin inay la dagaalamaan ama ay ku dhintaan.

Dhinaca kale Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo hoggaaminaya dadka sida weyn uga soo horjeeda habka loo dhisay Maamulka Hir-Shabeelle kuna sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weli ay kasoo horjeedaan in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe uu tago Magaalada Beledweyne.

Janeraal Xuud oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho wuxui sheegay in aysan jirin wax wada-hadal ah oo dhexmaray iyaga iyo Cali Guudlaawe, wuxuuna cadeeyay in marmaba Cali Guudlaawe uu Beledweyne ku tegi karin si qasab ama awood ah.

Gen. Xuud ayaa hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidanka Beledweyne lagu daadiyey lagu celiyo Xerada Lama-galaay, sidoo kalena hadii la isku dayo in Cali Guudlaawe meeshaas uu tago wixii ka dhaca uu masuuliyadeeda uu qaadayo.

Ugu dambeyn wuxuu ku hanjabay in hadii la diiday in la wada-hadlo ay yaqaanaan sida loola dhaqmo Maamulka Hir-Shabeelle  ayna tusayaan awooda ay leeyihiin Bulshada ku nool Guud ahaan Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale tan iyo markii Magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa diidmo kala horyimid dadka kunool Magaalada Beledweyne, waxaana taasi ay keentay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu dhowr jeer ka baaqdo in uu tago Magaalada Beledweyne.