1 min read

Maamulka Hir-Shabeelle oo doorashada laba Kursi dib u dhigay.

Guddiga doorashooyinka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inuu dib u dhac ku yimid doorashada labada kursi ee kala ah Hop#070 iyo Hop#115 Ee guddigu horay u shaaciyay taarikhdda markay ahayd 01/02/2022.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu cadeeyay in sababta dib loogu dhigay doorashada labadaasi kursi ay tahay kadib markii Guddiga Xulista Ergada ee labadaas kursi aan laga helin labadii jufo ee lahayd.

labadan Kursi ayaa qorshuhu ahaa in doorashadooda la qabto 6-da Bishaan oo ku beegan Axadda soo socota, waxana labada kursi hadda ku kala fadhiyo Hop#070 Aadan Cali Xasan iyo Hop#115 oo uu ku fadhiyo Cali Maxamed Cumar.