4 mins read

Wiilka Hgaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca oo noqday Xildhibaan.

Ayadoo weli ay deegaan-doorashooyinka maamul goboleedyada ay ka socdaan doorashada kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa magaalada Dhusamareeb maanta waxaa lagu qabtay doorashada dhowr kursi oo isha aad loogu hayey, sababo la xiriira marka la eego loollanka loo galay iyo su’aalaha dul hoganayey.

Wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wajameeca Sheekh Macallin Maxamuud Xasan Faarax ayaa maanta xildhibaannimo loogu doortay magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.

Haddaba Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud wuxuu ka mid yahay xubnihii maanta ku soo baxay doorashadii ka dhacday dhuusamareeb inkastoo uu sheegayo inuu ku yimid awood qabsi beeleed.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo BBC u warramay wuxuu sheegay guusha xildhibaannaimada uu marlabaad gaaray uu ku faraxsan yahay shaqooyinkii uu horay dalka u soo qabtay kuwa ka ballaaranna inuu dalka uu u qabto uu diyaar u yahay. Wuxuuna intaa ku daray inuu ka mid yahay Ahlu Sunna Waljameeca uuna ka sii mid ahaanayo.

“Ahlu Sunna dadka oo dhan ayaa ah, Ahlusunna waa ahay horayna waa u ahaa haddana waa ahay dadka Soomaaliyeed diinkooda iyo caqiidadooda dhanbaa Ahlu Sunna ah waan ku soo shaqeeyey waana ku shaqeynayaa insha allah wax hadda oo isbeddel oo gaar ah oo ay leedahayna ma leh.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah

Wuxuuna xildhibaanka Galmudug maanta laga doortay uu sheegay inuu muddo badan uu ka soo shaqeeyey dowladda dhexe iyo heshiisiinta Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug guushiisa marlabaad xildhibaannimada looga doortayna ay ku timid awood qaybsiga ku saleysan 4.5.

Balse ay waxba ka jirin hadalka sheegaya waxyaabaha ay Ahlu Sunna au dagaallameysay inuu ka mid ahaa kursigiisa.

Ciidamada Ahlu Sunna

“Wey fiicnaan lahayd laakiin waxaad ogsoon tahay waxay ku timaaddaa arrintaanu waxaa uu baarlamaanka ku saleysan yahay wax la yiraahdo 4.5 qabiilbeyku yimaaddaan dad 101 qof ah ayaa ii codeeyey oo laga yaabe iney intooda badan ay fikir ahaan ama siyaasad ahaan ay ku kala duwan yihiin waana ogsoon tahoo waxaa lagu imaadaa 4.5,marka waxyaabahaasi waxay u badan yihiin waxyaaba raqiis ah oo ay dadka isaga hadlaan, iyada oo ayna jirin nidaamka Ahlusunna ayaan dowladda Soomalaiya mas’uuliyad sare ka soo qabtay xildhibaanna ka soo noqday.”

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah oo ah Cabdisamad aabihii oo dabayaaqada sanadki hore wareysi gaar ah oo naadir ah siiyey laanta Af Soomaaliga ee BBC-da wuxuu sheegay warka sheegay inuu wiilkiisa uu xil u raadinayo isaga oo sheegay iney Ahlu Sunna dowladda Galmudug ay mamuleysay balse wiilkiisa wax xil ah uu ka qaban warkaasina uu haba yaratee waxba ka jirin.

“Waa wiilkee wiilka aan danta u raadiyoo oo danta leh dowlad dhisan oo baarlamaan leh, oo madaxweyne leh, oo madaxweyne ku xigeen leh, oo ciidan leh oo nooc walba leh ayaa Ahlu Sunna Waljamaaca ka dhisneyd, wiilka anigu aan dhalay xilka uu ka hayey muxuu ahaa ha la sheego, dhinaca Dowladda Federaalka ahna shaqa iskuma aanan laheyen, bal horta qofka weydiiya xilka aad sheegeyso ood leedahay waa uu raadinayaa xaggee buu joogaa,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wajameeca Sheikh Macallin Maxamuud Xasan Faarax.

Qaar ka mid ah hoggaanak Ahlu-sunna
Qoraalka sawirka,Qaar ka mid ah hoggaanaka Ahlu-sunna

Ururka Ahlu Sunna Waljameeca wuxuu sheegay xildhibaannimada maanta Dhusamareeb loogu doortay wiil u dhalay guddoomiyaha Ahlu Sunna inuusan ururkaasi ku matalin qabiilkiisana uu ku soo baxay.

“Horayna waan u sheegnay qof kasta oo Soomaali ah xaq wuxuu u leeyahay inuu xildhibaan noqdo mar labaadna qof kastaba dee waa inuu qabiilkiisa ka soo galaa marka arrintaa arrin hadda mowqifki Ahlu Sunna Waljameeca ama wixii ka dhaxeeya dowladda dhexe ama dowladda Galmudug wax wax hadda ka baddalaya ma aha magaca Ahlu Sunna kuma soo bixin ee qabiilkiisa ayuu ku soo baxay,” ayuu yiri Cabdisamad Adan Xuseen Madaxa Siyaasada Ahulu Sunna Waljameeca oo BBC-da wareysi siiyay.

“Asaga nin Ahlu Sunna ah waa yahay, Sheekha Guddoomiyaha u ah Ahlu Sunnana waa dhalay laakiin taasi wax fikir ah ama matalaad ah ama xiriir ah oo ay arrintaasi Ahlu Sunna Waljameeca ay ku leedahay ma jirto,” ayuu yiri.

Waxa weli ka socota doorashada kuraasta aqalka hoose oo muddo badan dib u dhac uu ku yimid, dib u dhacaasi oo ay sababeen khilaaf ku yimid habraaca doorashada ee horay loo soo saaray.

Waxaana weli dhiman kuraas badan iyada oo jadwalka cusub ee doorashada aqalka sare ee Soomaaliya loo dajiyeyna uu dhigayo in la soo gabagbeeyo bishan Fabraayo ee aan ku jirno.

Xigaasho: BBCSomali