1 min read

Cristiano Ronaldo oo osagoo jooga Dubai ku guuleystay abaal marin caalami ah

Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marinta gooldhaliyihii ugu fiicnaa abid ee Globe Soccer ee Dubai Expo 2020 galabnimadii jimcaha.

Ronaldo ayaa wadar ahaan dhaliyay 801 gool intii uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed – isagoo shabaqa soo taabtay Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid, Juventus iyo Portugal.

Xiddiga Manchester United ayaa loo gacan galiyay gong xilli uu fasax ku joogay Dubai ee Al Wasl Plaza isagoo gaaray goobta caanka ah ka dib markii uu ku soo laabtay Old Trafford.

36-jirkan ayaa waxaa soo dhaweeyay boqolaal taageereyaal ah oo u soo baxay raxan raxan si ay indhaha ugu qabtaan xidigaan, kuwaasi oo soo buux daafiyay goobtii ay ka dhaceysay xaflada.