1 min read

Kooxo Hubaysan oo Muqdisho ku dilay Safiyo Abuukar Karaani.

Waxaa lagu diley magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Safiyo Abuukar Karaani oo ahayd Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyada Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Dowladda federalka Soomaaliya.

Dilka ayaa waxaa geystay kooxo bastoolado ku hubeysan waxa ay ku dileen meel ku dhow isgoyska Sayidka ee wadada Maka Al Mukaramma. waxaana la sheegay in kooxihii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen, Ciidamada ammaanka ayaa markii dambe gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Dilka kadib Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay Dilka Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri “Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo Safiyo Abuukar Karaani oo ahayd Hooyo dhabar adeeg, hoggaamin wanaagsan, si daacadnimo iyo geesinimo leh dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay”

Safiyo Abuukar , waxay ka mid ahayd howlwadeennadii muddo ka badan 15 sanno qayb ka ahaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , iyadoo tobankii sanno ee u dambeysay xilal Agaasime Waaxeed ka qabatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Lix sano ka hor ayaa la dilay Safiyo Seygeeda asiga oo soo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde.