1 min read

Koobka Adduunka: Morocco oo guuldarro dul dhigtay Belgium, Costa Rica 1 Japan 0.

Xulka Marocco ayaa 2-0 uga badiyay xulka Belgium ciyaar ka tirsaneyd qeybta F ee Koobka Adduunka, waxaana labada gool ee guusha ee dhaliyay Abdelhamid Sabiri iyo Zakaria Aboukhlal

Guuldarran ayaa sidoo kale mugdi gelisay rajadii waddanka Belgium uu ka lahaa inuu kasoo baxo qeybtan tiiyo ay jirtay inay ka mid ahaayen xulalka loo saadaaliyay hanashada koobkan.

Xulka Africa ee Morocco ayaa niyad wanaag ka qaaday guushan, waxaana tobannaan kun oo taageereyaashooda ah isugu soo baxeen garoonka Al Thumama Stadium.

Japan ayaa dhinaca qeybta E, guuldarro lama filaan ah kala kulantay Costa Rica, waxayna iska khasaarisay fursad ay ugu soo bixi kartay wareegga 16-aka ee koobka aduunka, kadib markii uu ciyaaryahanka Keysher Fuller u dhaliyay goolka qura 10-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeeyay, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Costa Rica ku badisay.

Wixii warar ah iyo natiijo ah ee kusoo kordha Koobka Adduunka halkan ayaad kala socon doontaan.