1 min read

Man City vs Arsenal: Loollanka hanashada horyaalka Premier League.

Manchester:- Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City ayaa caawa go’aan ka gaareysa haddii ay u suuragaleyso dhammaadka xilli ciyaareedkan inay hantaan horyaalkoodii shanaad ee Premier League lix sano gudahood, marka ay kahor tagtoo kooxda hoggaamineysa horyaalka ee Arsenal.

Ciyaartan oo bilo badan la sugayay ayay kooxda City si weyn u dooneysaa inay sanadkan ku guuleysato saddexda koob ee horyaalka, FA-ga iyo Koobka horyaaladda Yurub, waxaana kooxda dhallinyarada ah ee Arsenal ay kulamadii ugu dambeeyay la kulantay dhabar-jab kadib markii ay saddexdii kulan ee lasoo dhafaay ay lumisay lix dhibcood, kuwaas oo ay la ciyaartay Liverpool, West Ham iyo Southampton.

Arsenal oo ku jirta riyada hanashada horyaalkii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 2004 ayaa badbaado ka fileysaa xiddigaheeda Martin Odegaard, Bukayo SakaGarbiel Martinelli.

Barbardhicii ay Arsenal la gashay Southampton ayaa ka dhigay fursadooda ku guuleysashada horyaalka inay noqodo 21%, halka kooxda Pep Guardiola ay haatan haystaan 79% suurtogalnimada ah inay ku dhameystaan kaalinta koowaad, sida ay muujiheyso xog qiimeyn ah oo ay sameysay shirkadda Gracenote.

Arsenal ayaa guuldarro kala kulantay dhammaan toddobadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay City tartamada oo dhan, iyada oo aan City ka badin horyaalka tan iyo 2015kii.

Qeyb ka mid ah xogtan waxaan kasoo xiganay Reuters.