1 min read

Ardeyda xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo helay deeq waxbarasho oo dibadda ah

Arday ku jirta xeryaha qaxootiga ee Kenya, oo ay Soomaalidu u badan yihiin, ayaa ka faa’iidaysta waxbarasho heer kulliyadeed ah oo bilaa lacag ah.

Waxbarashadan oo ay bixinayso kulliyad ku taalla dalka Ingiriiska, ayaa waxaa suurto geliyey nin hore ugu jiri jiray xeryaha qaxootiga, oo waa hore dalkaasi magangelyo ka helay.

Ninkaas Soomaaliga ah oo kaashaday dad kale oo uu yaqaan, ayaa suurto geliyey in ardayda dugisyada sare ka baxa ee xeryahaas ku jiraa ay helaan waxbarasho sare.

Cabdi Aadan Khaliif oo ku magac dheer Dhegajuun, ayaa sheegay in Jaamacadda Cambridge International College ay siisay waxbarasho bilaash ardey Soomaaliyeed oo qaxooti ah.

Wuxuu intaa ku darey Dhagajuun in waxbarashada 50% ay bilaash tahay, isagoo sheegay in ardey gaareysa 185 ay imtixaan galeen, waxaana baasay 91 ardey, oo la guddoon siiyey shahaadooyin kooda.