2 mins read

=Nasashada Jimcaha. Q- 341aad= War somalidu Balaayo jecelaa, Axmed Nur muxuu isagu saadaalinaa khatarta.

1.Waxaa la yiraa Wiilasha Wakhtigaan 91% marka ey Gabar hortaagan yihiin waxa ey fiiriyaan halka ey tilmaamee falaarta hoose ee Xabadkeeda. Waana Sababta ey Gabdhuhu u qaataan Candha Celiska “Rajabeeto” . ( F. S:1aad)
Gabdhuhu marka ey Wiilasha la joogaan 91%.waxa ey fiiriyaan jeebkiisa. Waana sababta ey Wiilashu warqado been ah jeebka uga buuxiyaan ( F.S: 2aad)

( Siyaasiyiinta Somalidu, Maalinta ugu horeeyso oo ey Xafiiska tagaan, maxeey fiiriyaan?)

2. Gabdhaha marka ey yar yaryihiin, iska duubo muuqaalo aan anshaxa ku fiicneeyn. Waxa ey Tiin u talaalyaan Ubadka ey dhali doonaan, oo aan facood la sheekeysan kain, marka la tuso Clip-kii hore ee Hooyadii. (F. S: 3aad)

3. Wiilashii markii ey yaraayeen Qubeyska diidi jiray, oo iyaga oo hurdayo Hooyadu Qubeyka ku gaadi jirtay. Markii ey weynaadaan oo ey Xil qabtaan, Danta ummadda sidee loo fahamsiinaa wasakhda Maamul xumidana looga dhaqaa? . (F.S: 4aad)

4. Sawir qaade ayaa isaga oo Buur saaran oo Dhulka hoostiisaa sawirayo, ayaa waxaa la soo dhacay dhagixii uu ku taganaa, mana dareemin. Dhulka uu u sii dhawaanayo ayuu u maleeyay in Zoom-kii kaamaradu sii weynaanayo.
Hadda Feeru uma fiyaabo, Isbitaalka Al- xayaat ayuu ku jiraa 8 bilood. ( F.S: 5aad)

( iska jir. Zoomka Siyaasiyiinta ha ku sirmin, Waxaa laga yaabaa in iyaga laftooda ey sireen la taliyayaashoodu. Marmar ayeey ku leeyihiin Guushu waa dhawdahay, Laakin waxaad ogaanee markaad feera beesho)

5. Shirka Culimada, Guul ayaan u rajeynaa ……………………… ( F.S: 6aad)

( No Comment)

6. Axmed Nur oo ah shaqaalaha Dowladda Hoose oo Seminar ugu maqanaa London, ayaa Saaxiibkii Cali oo aan ogeyn in uu Axmed London ku maqan yahay, ayaa Axaddii maqlay in weerar ku socdo Xarunta Gobalka, isla markiiba WhatsApp ayuu ka wacay Saaxiibkii Axmed kuna yiri: War ma Nabad qabtaa.
Axmed oo London joogo ayaa yiri: waan Nabad qabaa, Hadda ayaa la iga soo badbaadiyay, waxaan ka booday Darbi, kadibna Ciidmadaa Gacan i siiyay.

( War somalidu Balaayo jecelaa, Axmed Nur muxuu isagu saadaalinaa khatarta).

Qore: Yahya Amir