1 min read

Ururka Bariga Afrika oo bilaabaya xaqiijinta hanaanka Soomaaliya ay ugu biiri karto

Ururka bariga Afrika ee EAC ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu bilaabo hannaanka lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay kusoo biirto ururkan.

ECA

Shirkan ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana lagu gorfeyn shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya si ay uga mid noqoto EAC.

Waxaana shirka ka qeybgalaya saraakiil sare oo ka socota dalalka buhoobay ururka bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.

Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ganacsatada Soomaalida ah ayaa hanti muuqata ku leh dalalkaas marka laga reebo Burundi.