1 min read

Wararkii ugu dambeeyay xisadda ka soo dhex cusboonaatay dalalka Rwanda iyo DR Congo.

Dowladda Rwanda ayaa sheegay inay ‘qaadday tallaabo ay isku difaaceyso’ oo ka dhan ah diyaarad ay leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ‘oo kusoo xadgudubtay hawadeeda’ Talaadadii.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad militeri oo la toogtay xilli dul mareysay inta u dhexeysa hawada Goma ee DR Congo iyo magaalada Gisenyi ee dhinaca Rwanda.

Sawirro kale ayaa muujinayay diyaaradda oo burburtay-taasoo nooceedu ahaa Sukhoi-25 laguna soo sameeyay Soofiyeet xilli biyo lagu daminayay dab ka kacay diyaaradda garoonka diyaaradaha ee Goma.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee DR Congo ayaa lagu cambaareeyay dhacdada.

Waxayna beeniyeen in diyaaradda ay dul mareysay hawada Rwanda.

Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegtay, “in dhacdada aysan indhaha ka dadan doonin ayna xaq u leedahay inay is difaacdo”.

“Dowladda waxay weerarka soo noq-noqday ee Rwanda u aragta ficil ula kac ah loo geystay oo daandaansi ah oo lamid ah ficil dagaal” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay waraaradda warfaafinta ee DRC.

Rwanda waxay sheegtay in markii saddexaad ay diyaaradaha dagaalka ee Congo ay kusoo xadgudbeen hawadeeda ayna ugu baaqday dalka ay deriska yihiin ‘in uu joojiyo daandaansiga noocan ah”.

Bishii November ee sanadkii hore, diyaarad laga leeyahay DR Congo ayaa ku degtay garoonka diyaardaha ee Gisenyi ee Rwanda, xukuumadda Kinshasa waxay sheegtay in diyaaradda dagaal ay si khalad ah ugu degtay halkaas.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay ku eedeysay Rwanda inay taageerto fallaagada M23, iyadoo eedeymahaas ay beenisay xukuumadda Kigali.

Dhacdadan ayaa sii hurin karta xiisadda ka dhex taagan labada dal ee deriska ah.