2 mins read

Somaliland oo Taiwan kala hadshay sidii loo soo saariaari lahaa shidaalka ceegaaga dhulkeeda.

TAIPEI:-Taiwan iyo Somaliland ayaa ballaarinaya xiriirkooda dhaqaale iyo midka siyaasadeed, inkasta oo ay yihiin labada dowladood ee ugu go’doon diblomaasiyadeedka badan caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd ayaa shalay la kulmay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, wuxuuna sheegay in booqashadiisa Taipei “ay muujineyso go’aanka iyo adkeysiga aan wadaagno ee aan ku ballaarineyno kuna dheereyneyo saaxiibtinimadeena, iskaashigeena oo aan ku gaarsiineyno heer sare oo faa’iido u wada leh labadeena dal.”

Madaxweyne Tsai ayaa ku tilmaantay xiriirka mid ka mid ah guulihii diblomaasiyadeed ee ugu weynaa ee maamulkeeda.

Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’aday 1991-kii ayaan wax xiriir diblomaasiyadeed ah la laheyn dal kale.

Taiwan oo si iskeed ah isku maamusha, balse China ay sheegtao inay ka mid tahay, ayaa xiriir diblomaasi la leh 14 dal, balse waxay xiriiro aan toos aheyn oo xooggan la leedahay Mareykanka iyo inta badan dalalka caalamka.

Waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya hal dal oo African ah oo ah boqortooyada Eswatini, oo horey loogu yaqiin magaca Swaziland.

Taiwan ayaa safaarad ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa bishii August 2020, halka Somaliland ay xafiis matalaad ka furatay Taipei 9-kii September ee isla sanadkaas.

Taiwan iyo Somaliland-ba aqoonsi kama haystaan QM, balse Ciise Kayd wuxuu sheegay in taasi aanay meesha ka saareyn xuquuqda ay Somaliland u leedahay inay hesho siyaasad arrimo dibadadeed oo madax-banaan.

“Qaran madax-banaan ahaan, xuquuqda Somaliland ay u leedahay xiriir dibadeed nabad ah oo saaxiibtinimo oo ay la yeelato dhammaan dalalka caalamka waxaa lagu ilaaliyey xeerka caalamiga ah,” ayuu Kayd u sheegay wakaaladda wararka Taiwan ee CNA.

Kayd ayaa hoggaaminaya wafti wasiiro ah oo ka socda Somaliland oo ku sugan Taipei, waxeyna labada dhinac amaaneyn iskaashigooda sii koraya ee arrimaha beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada iyo tamarta.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian oo ku sugan Beijing ayaa dowladda xisbiga DPP ee Taiwan ku eedeeyey “dab hurin iyo waxyeeleynta madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee dalalka kale.”

“Tani cidna kama faa’iideyso waxayna dhalin doontaa un inay ayada un is dhaawacdo,” ayuu yiri Zhao.

AP