1 min read

Golaha wadatashiga Qaran oo ka shiray sidii loo dhamaystiri lahaa Doorashooyinka.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxda Shanta dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku yeesheen habka fogaan aragga.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka.

Madaxda Shanta dowlad Hoboleed ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay waebixin la xiriirta hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, iyaga oo u balan qaadah inay dardar gelinayaan doorashooyinka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir dhanka Zoomka caawa yeelanaya, iyagoo kaga arrinsanaya dardargelinta doorashada/xulashada Xildhibaannada Golaha Shacabka oo beryahan gaabis ku timid, iyadoo muddo 15 cisho ka harsan tahay mudada 40-ka cisho ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aan weli saddex meel labo meel aysan gaarin, illaa haddana la doortay illaa 110 Xildhibaan.

Dhanka kale kulanka Golaha wadatashiga Qaran ayaa ku soo beegmay, saacado kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu soo saaray qaraar xayiraado safar dal ku galka ah lagu soo rogay shaqsiyaadka mas’uulka ka ahaa tallaabooyinka ka dhanka ah Geeddi socodka dimoqraadiyadda iyo dib u djaca doorashooyinka.