NISA oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isa soo dhiibay.
1 min read

NISA oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isa soo dhiibay.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha  Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qeyb ay ka yihiin madaxweynaha Galmudug, xildhibaano, wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Maxamed Cajiib iyo Xildhibaan Yaasiin Farey oo degmada Ceeldheer uga sii horeeyey wafdiga, qeybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada qaranka iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa halkaas ku soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiinta uu hoggaaminayo oo saakay ka baxay Muqdisho ayaa tegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isaga oo ciidamada maamulka iyo shacabka degmada Xarardheere ku dhiirigeliyey dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab .