
Kulan Garowe ku dhexmaray Saciid Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa magaalada Garoowe kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaadatay madaxweyne Deni, kadib markii Puntland ay ku dhawaaqday inay la laabatay aqoonsigii dowladda federaalka.
Madaxweyne Deni oo kasoo muuqday shir jaraa’id oo ay madaxtooyada ku wada qabteen isaga iyo wakiilka Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay in ay Qaramada Midoobay la wadaageen go’aankii ay aqoonsiga ugala laabteen dowladda federaalka Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa dhankeeda sheegtay inu madaxweynaha Puntlad uu u sheegay inay ka go’an tahay sii socoshada arrimaha dastuurka, si xal looga gaaro khilaafka hadda ka taagan wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.