Shil Gaari oo sababay Dhimasho iyo dhaawac  oo ka dhacay Isgoyska Jubba.
1 min read

Shil Gaari oo sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Isgoyska Jubba.

Ciidanka ilaalada Nabadgalyada waddooyinka ee Taraafiko ayaa ku howlan gurmadka Shil gaari oo ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka Korneyl Muuse Kheyr oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo Kunteener saarnaa uu ku dul dhacay gaari BL ah oo noociisu yahay Home ama Caasi.

Darawalka Gaariga oo ka badbaaday shilka wuxuu noo xaqiijiyay in gaariga ay saarnaayeen afar qof, kuwaas oo dhamaantood dhintay, hadda ayaan meydka ka soo saarnay gaariga, walina waan xaqiijinaynaa haddii ay jiraan dad kale oo waxyeello kasoo gaartay shilka, madaama aan ku howlanahay gurmadka,” ayuu yiri taliye Muuse Kheyr.