Nasashada Jimcaha. Q-349=Hayeey, Wiilasha, Maskaxda ka soo Download gareey Sanyo, waxey jeclaayeen sheeydaankuna u qurxiyay=
2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q-349=Hayeey, Wiilasha, Maskaxda ka soo Download gareey Sanyo, waxey jeclaayeen sheeydaankuna u qurxiyay=

1. Ogow kaligaa ma ahan Inta Mu’miniinta ah oo dhan ayaa soomka lagu waajibiyay, Annaguna uguma horeyno Dadka lagu waajibiyay ee Kuwii naga horeyayna waa lagu waajibiyay. ( F.M: 1aad).

( Maalin kasta waxaad sameeysaa wax aan laguugu waajibin, Bal Bishaan iyo kuwa Dambe ku dadaal soomka, Ogow somku ma ahan in aad Cuntada iyo Cabidda ka soomto, Naftaada wax badan ku rabaayeey )

2. Abii Al Dardaa ayaa laga wariyay in Rasuulku CSW uu yiri: Saddax waxa ey ka mid tahay Akhlaaqda Anbiyada. Af furka oo la dadajiyo, Saxuurta oo dib loo dhigo iyo Gacanta Midig oo la kor saaro Gacanta Bidix wakhtiga Salaadda. ( F.M:2aad)

( waxyaaba badan oo aan nala farin in aan ku deg degno, ayaan ku degdegnaa, Aan xisaabtanno, Allah ha nagu hanuuniyo wadada suuban)

3. Saxiixul Bukhaari 3277. Rasuulkeena CSW ayaa yiri: Haddii la gaaro Bisha Ramadaan. Albaabada Jannada ayaa la furaa, Kuwa Naartana waa la xiraa, Sheydaankana waa la jeebeeyaa. (F.M: 3aad)

( Meela badan, oo Goobo Fisqi ah weli Bishaan waa furanyihiin, Sheydaanul Insi Badana Bulshada waa lagu soo daayay intii la jeebeey lahaa )

4. Saxiixu Tarmudi 359. Rasuulkeena CSW ayaa yiri: Dadka labo ayaa muteysato Cadaabka ugu Daran: Haweeney ku Caasisay Seygeeda iyo Hogaamiye Ummadeed oo iyaga oo karaahsanayo Hogaamintiisa haddana Hogaaminayo . (F. M: 4aad)

( Labadaba meelo Badan oo Dalkaa ayaa laga helaa)

5. Saxiixul Muslim 267.Rasuulkeena ayaa yiri: Haddii Midkiina uu galo Musqusha. Yuuna Coowradiisa mu taaban Gacanta Midig. ( F.M: 4aad)

( Hayeey, Wiilasha, Maskaxda ka soo Download gareey Sanyo, waxey jeclaayeen sheeydaankuna u qurxiyay)

6. Saxiixul Jaamac 6104. Rasuulkeena CSW ayaa yiri: Qofkii loogu nasab yeelo, Cid aan Aabihii aheyn. Waxaa lacnado Allaah, Malaa’igta, iyo Dadka oo dhan. ( F.M: 6aad)

( Waxaa Batay Dad sida Gaalada, Haweenka ugu yeero magaca Seygeeda. Iyo qaar bedelo Magacyadii waalidkood si ey isaga dhiibaan wadamo kale, iyo Dokumintiga oo Gaaladu sida Dhaqankoodu yahay ey Magacii Qoyska ku bedelaan Magacii Aabaha, si ey u khilaafaan Islaamka)

FG: Ramadaankaan waxaan u badanaa Doonaa Nasashada, Dhinaca Diinta. Wixii aan ka khalday iga sax, Wixii ka dhimanna ku dar.

Qore :Yahya Amir