1 min read

Maamulka World Remit oo ka jawaabay edeynta Bankiga Dhexe ee Somaliland.

Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha iyoguddoomiyaha shirkadda World Remit oo ah shirkad lacagaha la isku diro u fududeysa bulshada ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid Bankiga Dhexe ee Somaliland.

Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sharciga ay la tiigsan doonaan ganacsadahan oo uu ku eedeeyay in warar aan run ahayn uu ka sheegay bangiga iyo madaxdiisa isla markaana khalkhal ka abuuray suuqyada sarrifka iyo ha’adaha maaliyadda Soomaliland.

Ismaaciil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Baanka Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.”Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10.”

Wuxuu sheegay inuu ku talinayo in arrintan wax laga qabto lana joojiyo lacagaha malaayiinta ah ee uu sheegay in loo adeegsado in lacago cusub lagu soo daabaco, taas beddelkeedana buu yiri sare looguq aado Shilinka Somaliland.