1 min read

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo daah furay Tartan Suugaaneedka hirgeli hibadaada

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta daahfuray tartanka Hirgeli Hibadaada oo ah tartan Suugaaneed Abwaaniinta Soomaaliyeed kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta,tartankan ayaa laga furay Xatunta Tiyaatarka qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyey Ujeedka tartankan,Wasiir Daa’uud ayaa xusay in Wasaaradda warfaafintu tartankan uga gol leedahay sidii kaalin weyn Abwaaniinta Soomaaliyeed uga qaadan lahaayeen Dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta noqdona wejiga Saddexaad ee khawaarijta loogula dagaalamayo dhanka Fikirka.

Dagaalka lagula jiro khawaarijta ayey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u midoobeen iyadoo Suugaantu ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee Soomaalidu fariimaha isku gaarsiiyaan,iyadoo Barnaamujkan qayb ka noqonayo qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka.