1 min read

Dib u dacaytirka dhismeyaashii ku burburay dagaalkii Laascaanood oo la bilaabay.

Shirkada isgaadhsiinta Golis ayaa dayactir ku samaynaysa goobo burbur xooglihi ku yimi mudadii uu dagaalku ka socdey magaalada Laascaanood.

Waxaa kamida isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood oo kamid ahaa goobo ku burburay dagalka iyo duqaymo.

Hogaamiyaha SSC Cabdilqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo ka hadlay dhagax dhigga lagu dayactirayo isbitaalka ayaa ayaa waxa uu sbeegay in shirkadda qorsheheedu ahaa Isbitaalka balse ay ka codsadeen in ay ugu daraan xarunta gobolka.

Shirkada Golis ayaa ah shirkada labaad ee haysata macaamiisha ugu badan gobolka waxaana ilaa shalay oo ay masuuliyiin badan oo shirkada ka tirsan marayeen goobihii dhibaatooyinku soo gaareen ay qabsadeen hadal haynta baraha bulshada.