1 min read

Ciidanka Booliiska oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo watay Baabuur qarax sida.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyey Qarax Gaari oo kooxda Khawaarijtu rabeen in ay ku haligaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka u,sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Ciidanka saldhig Booliiska Degmadda Dayniile ayaa qabtay Gaariga qaraxa siday oo mareyey goob xaafaddo dhexdood ah kaas oo dhalisay shaki laga qaaday Gaariga,abaaro 10:30-kii Aroornimo ayaa la qabtay Gaarigan oo Khawaarijtu ka soo Buuxisay walxaha qarxa.

Waxa sidoo kale la qabtay laba Dhagarqabe oo waday Gaarigan,iyadoo dhagarqabayaasha ay hadda gacanta ku hayaan Haya’addaha Amnigu.

Haya’addaha Amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isu kaashaday sidii goobkasta loogu beegsan lahaa dhagarqabayaasha Khawaarijta loona fashilin lahaa dhagartooda.