1 min read

Ciidamada qaranka oo Horjooge ka mid ah Khawaarijta ku qaarijiyay Galgaduud.

Ciidamada Xoogga dalka iyo ku degaanka oo is kaashanaya ayaa qaarijiyey horjoogihii Khawaarijta Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanada Cali afrax, xiltiro, Ceel-raydab iyo Meexaan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Siciid Cali Maxaa dheere.

Horjoogahan la dilay ayaa sidokale Khawaarijta ugu magacawnaa Madaxda Sakawaadka degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka lagu dilay horjoogahii Lacagaha baadda  u aruurin jiray maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa ninkan ka soo furtay Qori AK-47 ah oo uu watay, waxaana sida la sheegay goobta si dirqi ah ugu baxsaday nin ku waday mootada laba lugood leeyda ah ee loo yaqaano (Fekon).